NEWS
Maxaa looga baahan yahay qofkii UK ganacsi ku leh?
Posted to the Web Sep 15, 15:43

Waxaa looga baahanyahay ganacsatada Soomaaliyeed ee UK ku dhaqan in ay qaadaan tillaabooyinka soo socda marka ay ka bilabaan ganacsi dalkan United Kingdom: 


Ganacsigaaga ka diiwaan gali (register) waaxda qaabbilsan canshuuraha iyo xisaabaadka gancsatada ee Af-Ingiriiska loogu yeero ama loo yaqaan HM Revenue and Customs in aad ganacsi biloowday saddex bilood gudahood, islam markaana biloow in aad diiwaan galiso wixii dakhli ku soo galay iyo wixii kharaj kaa baxay. Waxaa kaloo loo baahanyahay in aad xafiddo wixii fatuurooyin ama risiid ah ee aad wax ku soo gadatay.


La soco shuruucda khusaysa ganacsigaaga, sida shuruucda shaqaalaha, kuwa xawilaadaha, kuwa dhoofinta iyo soo dajinta badeecada, kuwa nadaafadda iyo caafimaadka, kuwa caymiska, kuwa shatiyada, kuwa dabka IWM.

  
La soco markaad ganacsi biloowdo in aad bixinayso National Insurance. Waa muhiim in aad bixisid Insurance-ga saxda ah ee khuseeya ganacsigaaga.

  
Ha hilmaamin xuquuqdaada sida gunnooyinka iyo tax credit ka laguu oggol yahay.

  
La soco in aad masuul ka tahay haddii aad dad shaqaalayso wixii la xiriira canshuurta laga jaro iyo in aad la socodsiiso waaxda shaqaalaha ee HM Revenue ans Customs.


VAT – Haddii waxa aad iibisay oo aan wax kharaj ah laga jarin ay gaaraan £60,000 sannadkii waa in aad iska diiwaan galisaa waaxda qaabbilsan VAT-da. Isku celcelis habeenkii waxay noqonaysaa £164 lacagta Ingiriiska ah. Waaxda qaabbilsan VAT-da waxaa la yiraahdaa HM Customs and Excise. Waa waax ka mid ah hay'adda u qaabbilsan canshuuraha dalkaan Ingiriisk-ka. VAT-du waa nooc ka mid ah noocyada canshuuraha ganacsatada laga qaado oo saaran wixii aad iibiso (sales). Haddii aad VAT isu diiwaan galiso, saaddexdii bilood-ba mar ayaa waxaa lagaa rabaa in aad buuxiso foom-ka loo yaqaan VAT return, una celiso waaxda qaabbilsan.   
Haddii aad badeeco ka keento dalka dibaddiisa ama aad u dhoofiso bannaanka waxaa jira shuruuc khaas u ah. Eeg bogga internet ka http://www.hmce.gov.uk/. Taleefoonkoodu waa 0845 010 9000.

 
Corporation tax (Companies) – haddii aad go’aansatay in aad u ganacsato company ahaan, waxaa jira nidaam u gaar ah nooca ganacsigaaga ee dawladda loola xisaabtamo. Dhinaca canshuuraha, waaxda qaabbilsan company-yada waxaad tafaasiil dheeraad ah ka heli kartaa taleefoonka numberkiisu yahay 0845 300 6555. Dhanka xisaabaad-ka waaxda qaabbilsan waxaad kala xiriiri kartaa xafiis-ka lagu magacaabo Companies House ka. Taleefoonkoodu waa 0870 3333 6363 ama bogga internet ka http://www.companieshouse.gov.uk/


Self Assessment (Sole traders) – haddii aad go’aansato in aad u ganacsato mufrad ahaan ama aad kaashato hal qof oo kale iyo wixii ka badan, waxaa lagaaga baahanyahay in aad  raacdo nidaamka u dagsan nooca ganacsigaaga oo kale. Taleefoonka waaxda qaabbilsani waa 0845 915 4515. 



Waaxaha iyo hay’adaha kale ee dawligaa ee dadka ganacsatadaa lataliya waxaa ka mid ah:
 


i.     Business link – Tel:  0845 600 9006
       Web: http://www.businesslink.org/


ii.    Health and Safety Executive – Tel: 08701 545500
       Web:  http://www.hse.gov.uk/


iii.   Waaxda “working families tax credit” - 0845 300 3900 ama
      eeg www.inlandrevenue.gov.uk/taxcredits


iv.  Wixii dhinaca shaqaalaha ah la xiriir tel:  0845 607 0143. 


ISSA ASSOCIATES
Chartered Certified Accountants
219 Belsize Road
London NW6 4AA 


Tel:            + 44 (0) 207 604 4422
Fax:           + 44 (0) 207 372 9721
Mob:          + 44 (0) 7931 322 924 


Office:        info@issaweb.com
Website:     http://www.issaassociates.com/ oo English ku qoran.