Dr Georgi Kapchits wuxuu u dhashay waddanka Raashiya ama Ruushka aan u naqaan.
Wuxuu u si aad u hufan ugu hadlaa Af-Soomaaliga. Wuxuu aad u isticmaalaa maahmaahyo aad munaasib ugu ah mawduuca u ka hadlayo, oo qiimo dheeraad ah ku kordhinaya tayada luuqadda Soomaaliga iyo fahamkeeda.
Waxaan ka qayb galay shir ay soo abaabuleen urur lagu magacaabo European Association of Somali Studies, oo looga hadlayay arrimo badan oo la xiriira Somaaliya oo ay luuqadda Af-Somaligu ka mid ahayd.
Waqtiga shirkaas aan ka qayb galay waxay ahayd 1992dii. Shirkaas waxaa la qabtaa dhowrkii sanaba mar, waxaana ka soo qayb gala dad badan oo aan Soomaali u dhalan oo ku hadla Afka Soomaaliga ama daneeya arrimaha Soomaaliya iyo Soomaalida. Waxaa kaloo ka soo qayb gala dad Soomaali ah oo qaarokood aqoon iyo waayo aragnimo dheeraad ah leeyihiin.
Shiraas waxa lagu qabay School of Oriental and African Studies oo marka la soo gaabiyo loo yaqaan SOAS kana mid ah Jaamicadda London University.
Waxay ahayd markii iigu horraysay oo aan arko dad badan oo caddaan ah oo Af-Soomali ku hadlaya. Waliba waxay qaarkood ugu hadlayeen si aanan waligay arag cid ugu hadlaysa As-Soomaali, miyi iyo magaalo toona.
Tusaale ahaan, Dadkii shirkaas laga cusumay in ay ka hadlaan waxaa ka kid ahaa Abwaanka caankaa ee Xadraawi, hase ahaatee uma aysan suuro galin in uu shirka yimaado. Wuxuu soo faray mid ka mid qabanqaabiyaashii shirka oo ahaa Soomaali in gabayadiisii mid ka mid ah shirka laga akhriyo. Markii la soo gaaray waqtigii xadraawi hadli lahaa ayaa Hawl-wadeenkii shirku u cududdaaray Xadraawi wuxuuse ku daray waxaan idiin aqriyayaa mid ka mid ah Gabayadiisii. Wuxuu bilaabay in uu aqriyo heestii Xasan Aadan Samatar ku luuqayn jiray oo ahayd Hoyooy La’aantaa. Isla markiiba waxaa soo booday gabar dhallinyar oo caddaan ah oo tiri: Hees-weeye, ee gabay maahan!
Waxaa kale oo shirka ka soo qayb galay Dr Georgi Kapchits oo hadal ka jediyay. Moowduuca uu ka hadlayay wuxuu ahaa colaaddii waqtigaas Soomaaliya ka jirtay oo markaa meel aad u ba’an maraysay.
Hadal dheer oo aad u xigmad badan ayuu jeediyay Dr Georgi, waxaanan ka xasuustaa erayaddii uu kulanka ka sheegay isagoo sifaynaya dagaalka sokeeye: Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “Dad yaraanna Dagaal loogama Haro, Duunyo Yaraanna Deeq Loogama Haro.”
Waxaa I soo xasuusiyay oo aan dib ugu noqday shirkaas dhowr iyo toban ka sano ka hor dhcay, waraysi ay Shabakadda WardheerNews.Com layeelatay Dr Georgi. Waraysigaasi wuxuu la mid yahay khudbaddii uu Dr Georgi SOAS ka jeediyay 1992dii xagga tayada Af-Soomaaliga iyo murtidiisaba.
Waraysigii oo buuxana waxaad ka heli kartaa www.wardheernews.com
Haddaan soo qaato qaar ka mid ah su’aalihii shabakadda Wardheernews waydiisay Dr Georgi iyo jawaabtii uu ka bixiyayna, waxay u dhacday sidatan:
Su’aal: - Wardheernews: Maxay ahaayeen dhibaatooyinkii aad kala kulantay barashada Af Soomaaliga?
Jawaab: - Dr. Kapchits: Ina Cali Qablax oo indhoole ahaa markii uu taabtay dundumo ayaa wuxuu yidhi: ‘Hal waa yaab, halna waa yaabka yaabkii, halna waa ammankaag. Dundumada inteer le’eg aboor baa sameeya, waa yaab! Habeynkii buu sameeyaa. Waa yaabka yaabkii! Candhuuftiisuu ku sameeyaana, waa ammankaag!’ Aniguna waa sidaa oo kale. Markii aan dhadhamiyey af-Soomaaliga ayaa waxaan is idhi: ‘Tolow, erey bixinta af-Soomaaligu waa yaab! Dhawaaqa af-Soomaaligu waa yaabka yaabkii! Naxwaha af-Soomaaliguna waa ammankaag!’ Af Soomaaligu hodon weeye, dhan kasta oo laga eego. Wax cir ka soo dhac leh ma aha, in uu udub dhexaad u noqday maansada Soomaalidu ay ku caan baxeen, ayna ku faani karaan. Shaki ma leh in afka caynkaas ah barashadiisu shaqo fudud aysan ahayn. Waxaase la ogsoon yahay in dhib walba ay dheefi ka dambeyso.
Wuxuu kaloo ka jawaabay sida uu Af-Soomaaliga u bartay su’aal ahayd, oo iyana u dhacday sidatan:
Su’aal: - Wardheernews: Waxaa jirta inaad Soomaaliya booqatay laba jeer oo keliya waqti yarna aad joogtay, hal marna aad tagtay Jabuuti. Haddaba sidee bay kuugu suurto gashay inaad Af Soomaaliga heerkan ka gaadho, isla markaana aad qoraallo tiro badan ka samayso Soomaalida adigoo dibedda ku nool?
Jawaab: - Dr. Kapchits: Run weeye in aan Soomaaliya booqday laba jeer oo keli ah, anigoo mar kasta joogay shan beri. Sida la ogsoon yahayna ‘shan beri sheekh laguma noqdo’. Mana aan noqon. Hase ahaate, fuullaan waa faro ku hayn. Si aad fardo fuul u barato waa in aad maalin walba faras fuusho. Afka iyo suugaanta Soomaaliyeed barashadooda iyo baaritaankooda waa aan ku gaboobay. Layaab ma aha in aan wax ka qoray. Subax iyo sadar, subax baa badan!
|