Waxaa shaaca laga qaaday in wadahadalka Ganacsiga Adduunka ee ay qabanqaabisay WTO oo ah hay’ad qaramada midoobay u qaabbilsan arrimaha ganacsiga ee lagu qabanayo Hong Kong uu dhawac u gaysanayo dhaqaalaha Africa.
Qorshuhu wuxuu ahaa in wadahadal ka bisha Diseembar 2005 ka dhicidoona Hong Honk lagu ansixiyo in wax wayn laga dhimo kaalmada waddamada horumaray siiyaan beeralaydooda iyo waliba in la dhimo canshuurta la saaro waxsoosaarka laga keeno dalalka soo koraya.
Africa waa qaaradda kali ah ee uu hoos u dhacay saamiga ay ku leedahay ganacsiga adduunka ayuu xaqiijiyay Pascal Lamy oo dhalashadiisu tahay Swedish, ahna agaasimaha guud ee WTO. Wuxuu sheegay in ay Africa uga faa’iido badantahay in la dhimo taageerada la siiyo beeralayda waddamada horumaray in la labanlaabo cawimaadda dhaqaale ee loo fidiyo.
Sababtu waxaa weeye beeralayda waddamada horumaray oo ay ka mid yihiin kuwa ku jira Isbahaysiga Yurub iyo Amerika waxaa dawladahoodu siiyaan kaalmo dhaqaale oo u suuragalinaysa in ay soo saaraan dalagga beeraha oo aan mararka qaarkood wax qiimaaba ugu fadhin. Waxaa markaas u suura gasha beeralayda waddamada harumaray in ay u dhoofiyaan waddamada soo koraya, isla markaana qiimaha ay ku gaynayaan uu noqdo mid aad uga hooseeye kii laga soo saaray dalka ay u dhoofinayaan gudihiisa.
Ficilkasi wuxuu sababayaa in beeralayda waddamada saboolka ahi ay suuqa ka baxaan, oo aakhirka wax soo saarka waddamada soo korayana uu noqdo mid aan jirin.
Siyaasiyiinta waddamada horumaray waa ku adagtahay in ay jaraan kaalmada dhaqaale ee ay siiyaan beeralaydooda, waayo axsaabta siyaasadda kuwa ugu tabarta rooni waxay ku xiranyihiin oo soo doorta beeralayda, haddii kaalmada dhaqaale ee la siiyo la jarana waxay halis galinaysaa in ay maamulka gacanta ku hayaan.
Waxay kaloo ilaalinayaan in wax soo saarka beeraha caalamka horumaray oo ah mid aad muhiim ugu ah dhaqaalaha adduun ka isla markaana aan wax culays ah la saari karin marka laga eego danta dhaqaalaha waddamada horumaray dhinaceeda.
|