NEWS
SIDDEED NIN OO LOO HAYSTAY INAY DILEEN HAWEENEEY INGIRIIS AH IYO NINKEEDII OO MAAMULKA SOOMALILAND DIL TOOGASHO AH KU XUKUNTAY
Posted to the Web Nov 15, 11:58

Waxaa dil toogasho ah lagu xukumay siddeed nin oo lagu soo eedeeyay in ay bishii Aktoobar 2003 dileen Dick Eyeington iyo xaaskiisii Enid Eyeington oo dhalashdoodu ahayd Ingiriis (British) oo u joogay Somaliland, arrimo la xiriira samafal dhanka waxbarashada ah.

Labada marxuum oo ku jiray sano lixdamaad waxay muddo ka badan 40 sano ka shaqeeyeen meelo kala duwan oo qaaradda Africa ka mid ah.

Labadii sano ee noloshoodu ugu danbeeyay waxay joogeen oo mashruuc waxbarasho ah ka wadeen tuulo u dhow magaalada caanka ah ee Shiikh oo ilaa saddex saac oo baabuur ah u jirta magaala madaxda Gobalkaas ee Hargasya.

Ciidan ka danbi’baarista Ingiriiska oo booqday meeshii lagu dilay Dick and Enid waxay xaqiijiyeen in ay ku dhacday lix ilaa toddobo xabbadood oo laga riday qoriga loo yaqaan AK47. Ciidan ka ammaanka ee Somaliland waxay qabteen laba qori oo AK47 ah, hasa yeeshee ma noqon qorigii ay ka dhaceen xabbadihii dilay labada ruux ee toogashada lala beegsaday. Ciidan ka danbi’baarista Ingiriisku waxay kaloo shaaca ka qaadeen in ciidan ka amaanka Somaliland iyo kuwooda danbi’baarista toona aysan sidii la rabay u ilaalin goobtii dilku ka dhacay.

Si kastaba arrintu ha’ahatee ciidanka danbi’baarista Ingiriisku waa siiwateen dabagalkoodii iyagoo kaashanaya dawlad-Gobaleedka Somaliland iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ingiriiska.

Waxaa kale oo loo haystay nimanka toogashada lagu xukumay, ka dib markii ay jidka u galeen, in ay dileen gabar u dhalatay waddanka Kenya, isla goobtaasna dhawac halis ah ugu gaysteen nin u dhashay Jarmal oo labaduba u shaqaynayeen hay’adda GTZ ee dhanka samafalka u qaabbilsan waddankaasi jarmalka.

Arrintaasi dil ka ah ee loo gaystay labada qof ee waayeelka ah waxay ilaa iyo hadda cabsi ku tahay shaqaalaha ajnabigaa ee u shaqeeya hay’adaha samafalka.

Waxaa kale oo arrintaani sababtay in ciidan ka danbi’baarista Ingiriisku tababar siiyo ilaa iyo 30 askari oo qaatay habka loo ilaaliyo meelaha danbiyadu ka dhacaan iyo sida loo aruuriyo wixii caddayn ah ee la xiriira fal-danbiyeedka.