NEWS
CIIDANKA MARAYKANKA EE JOOGA JABBUUTI OO GARGAAR WAXBARASHO IYO HORUMARIN KA WADA DALKAAS
Posted to the Web Nov 12, 12:00

Waxaa soo baxaya in istaraatijiyadda ciidanka Maraykanka ee saldhiggiisu yahay waddanka Jabbuuti uu dadaal ugu jiro in uu ku guulaysto la dagaallanka argagixisada iyaga oo aan xabbad ridin.

Ciidanku waxay dhiseen iskuullo iyo ceelasha biyaha oo aad looga bahanyahay waddankaan yar ee Jabuuti, ahna waddan dhaqaalihiisu uu aad u hooseeyo.

Waddankani wuxuu ku yaal meel aad istaraatiji ugu ah ciidanka iyo ganacsiga intaba. Waxay saldhig u tahay ciidan Maraykan ah oo isha ku haya in ay ilaaliyaan wixii maraya Badda Cas iyo Gacanka Suways. Waxa kaloo ciidankaasi kadinka u fadhiyaan in ay gurmad u diraan wixii looga baahdo ee ah taageero ciidan waddamo badan oo ay ka mid tahay Sudaan, Soomaaliya, Ethiopia iyo Eriteriya.