NEWS
RA棚ISULWASAARAHA DAWLADDA CUSUB EE SOOMAALIYA, PROF CALI MAXAMED GEEDDI, OO LAFILAYO IN UU BISHA NOVEMBER GUDAHEEDA SOO GAARO DALAL KA MID AH MIDOWGA YURUB
Posted to the Web Nov 11, 16:16

Imaatinka la filayo in uu ku yimaado dalal ka mid ah Midowga Yurub Ra段isulwasaaraha dawladda cusub ee federaalka Dr Cali Maxamed Geeddi waxay ku soo beegantahay waqti ay arrimo aad xasaasi u ah ka socdaan qaar ka mid ah waddama ku bahoobay ikaashiga ee qaaradda Yurub.

Waddamada Isbahaysiga Yurub waxay marayaan xilli ay ku dhexjiraan is'abaabulid iyo iskaashi cusub oo waliba waddamo hor lihi ku soo biirayaan isbahaysigooda, qaar kalena ay isu diyaarinayaan sidii laagu dari lahaa Iskaashiga Yurub.
hase ahaatee, waxaa jira dhacdooyin waawayn oo xagga siyaasadda iyo dhanka dhaqaalaha intaba ah. Waxaa ka mid ah in ay dhacday in si ba誕n laysaga horyimid aqalka baarlammaanka Ingiriiska ka dib markii ay dawladda uu Ra段isulwasaaraha ka yahay Tony Blair ay golaha baarlammaanka hor keentay in la ansixiyo sharci ciidanka ammaanka u oggolaanaya in ilaa 90 cisho lahayn karo qofkii looga shakiyo in uu ku lugleeyahay argagixiso iyadoon wali wax caddayn ah lagu hayn oo aan maxkamad la horkeenin.

Si kastaba ha ahaatee, abaabul ballaaran oo gaaray fara ka hadal ka dib ayaa Baarlammaanku ka horyimid in sharcigaasi dhaqan galo. Arrintaasi waxay dhabarjab wayn ku noqotay Ra段isulwasaare Tony Blair.

Waxaa kale oo jira in ay ka dhalatay dawlad cusub dalka Jarmalka, hase ahaatee dawladdaasi ay aad ugu mashquulsantahay sidii loo soo dhisi lahaa dawlad cusub, maaddaama dawladda cusub ka koobantahay iskaashi waayo xisbina aqlabiyad kuma guulaysan doorashadii.

Arrimahaasi waxay saamayn ku yeelanayaan ama haraynayaan kaashaha loo helayo in lala kulmo Ra段isulwasaaraha Soomaaliya Prof Ali Mohamed Geeddi.

Imaatinka Ra段isulwasaaraha Soomaaliya uu ku imanayo Yurub waa mid aad muhiim u ah oo saamayn ballaaran ku yeelan kara meelo kala duwan oo ay ka mid tahay in Yurub si lixaad leh u taageerto dawladdiisa. Kursiga Madaxtinimada Yurub (Presidency) waxaa hadda haya dalka Ingiriiska. Ra段isulwasaare Geeddi wuxuu kala dheelman karaa safarkiisa taageero aqoonsi, dhaqaale iyo siyaasadeed haddii uu ku guulaysto in uu qaabilaad diirran ka helo Isbahaysiga Yurub gaar ahaan dawladda Ingiriiska.

Yurub waxaa ku nool dad Soomaali ah oo aad u badan, waxaana laga yaabaa in ay tahay meesha ay ku noolyihiin tirada ugu badan ee qurbe joogga Soomaalidu. Baraarujinta iyo abaabulka bulshada Soomaalida ee ku nool dalalka Yurub iyo qurbaha kaleba waxay kaalin muhiim ah ka qaadan kartaa dib u dhiska dalka, waxayna soo kordhin kartaa dhaqaale, xirfad iyo waayo-aragnimo ballaaran oo ay ka heleen qurbaha ayaa iyana ah arrin xusid mudan. Dhallinyaro aad u badan oo Soomaali ah ayaa qaaradda Yurub wax ku barata, waxaana hubaal ah in ay dalkooda in badan oo ka mid ahi ku noqon doonaan, una soo hoyindoonaan waxdheef ballaaran.

Dad aad u badan oo Soomaali ah ayaa iyana ganacsi ka wada dalaka Yurub oo uu hoggaaminayo dalka Ingiriiska, oo waxaad mooddaa in Soomaalida si firfircoon ganacsigoodu u soo kobcayo. London iyo magaalooyin kale oo badan oo ku yaal dhulkaan Ingiriiska ayaa waxaa laga diraa dhaqaale aad u ballaaran oo ah mid laf-dhabar u ah nolosh bulshada Soomaaliyeed. Runtii waxaa lagu tilmaami karaa lacagta xawilaadda ee laga diro dalalka dibadda oo Ingiriisku yahay kuwa ugu muhiimsan in ay tahay isha dhaqaale ee ugu muhiimsan bulshada Soomaaliyeed ee noloshoodu ku xirantahay waqtigaan xaadirka ah.

Booqashada Ra段isulwasaaruhu waxay kaloo leedahay muhiimad gaar ah maaddaama ay dhici karto in Prof Geeddi yahay Ra段isulwasaarihii ugu horreeyay oo Soomaali ah oo dalkaan soo caga dhigta, haddii ay noqoto in uu Ra'iisulwasaauhu yimaado dalkan Ingiriiska .