NEWS
Bill Gates oo sheegay in 10-ka sano ee nagu soo aaddan laga bixi doona waraaqaha wax lagu qorto, buugaagta wax laga barto iyo waxyaalo kale oo badan, waxaana baddali doona Kombiyuutarro aad u yar-yar
Posted to the Web Nov 03, 13:54

Bill Gates oo ah madaxa shirkadda lagu magacaabo MicroSoft oo boqokiiba inta badan ama ilaa iyo 90% kombiyuutarrada adduunka laga isticmaalaa ay ku shaqeeyaan software-kooda iyo farsamadooda ayaa wuxuu sheegay in laga bixi doono waraaqaha wax lagu qorto.

Mar uu khudbad ka jeediyay shir lagu qabtay London oo looga hadlayay intarnet-ka ayuu wuxuu sheegay in waraaqaha wax lagu qorto ay baddali doonaan kombiyuutarro aad khafiif u ah oo si joogta ahna ugu xiran intarnet uu aad u sarreeyo xawaaraheedu (high-speed) 10-ka sano ee nagu soo aaddan.

Wuxuu qiyaasayaa in ardada waxbarashada ku jirtaa aysan u baahnaan doonin in ay buug soo gataan, balse waxaa u suuro galidoonta in ay kharaj aan sidaa uga badnayn $400 oo doollar ay ku soo gataan qalab casri ah oo u suuro galinaya in ay kala soo baxaan waxay u baahanyihiin oo dhan intarnet-ka loo yaqaan wireless oo ah mid ka madax banana waayirrada kombiyuutarrada isku xira.

Bill Gates wuxuu shirka ka sheegay in uu hamigiisu ahaa in guri walba uu yaallo kombiyuutar, walise ay arrintaasi laalantahay.

Wuxuu sheegay in loo baahanyahay in laga faa’iidaysto intarnet-ka oo xawaaraheedu uu aad u sii kordhayo.

Wuxuu qiyaasayaa in laga bixidoona joornaalada iyo magaaziinnada sida hadda loo qoro, isla markaana ay baddali doonaan in qof-walba wixii macluumaad ah ee uu ubbaahanyahay ugu soo dhici doono aalad ama qalab xajmigiisu aad khafiif u yahay aan kana waynayn xabbad kaniini ah, hase ahaatee u suura galinaya qofka in uu helo akhbaaraad aad u qoddo dheer.

Tillaabadaas horumarka ah ee dhanka technology-ga laga gaaray waxaa Mudane Bill Gates la qaba shariikado aad caan uga ah adduun-ka oo ay ka mid yihiin kuwa isgaarsiinta, akhbaaraha, filimada, teleefishin-ka, muusigga iyo kuwo kale oo badan.

Hase ahaatee, Microsoft oo isagu haysta suuqa isticmaalka kombiyuutarrada intiisa badan, ama 9 ka mid ah 10-kii kombiyuutar-ba, ayaa waxaa looga cabsi qabaa in uu ku amartaagleeyo suuqa kombiyuutarrada adduunka oo dhan. Isballaarinta iyo himilooyina shirkadda Microsoft ay higsanayso ayaa waxay argagax galinaysaa shariikadaha kale ee tartanka kula jira Microsoft. Hase ahaatee Bill Gates, madaxa shirkadda Microsoft, wax dabacsanaan ah dhinacaas kama muujin, wuxuuna shaaca ka qaaday in ay ku talajiraan in ay amaamudayaan in ay gacanta ku qabtaan adduunka oo dhan. Wuxuu sheegay in ay ku taamayaan in ay suurogaliyaan in aad ka bogato waxa yaal dukaamada, dhaqdhaqaaqa gaadiidka, iyo wixii kale ee aad ubbaahato adigoo magaalada dhexmaraya sidii adigoo dhex jooga oo kale.

Dadka qaarkiis waxay u arkaan Bill Gates in uu yahay insaan nafta u huray samafalka adduunka iyo ganacsadihii ugu cadcaddaa samanka uu noolyahay, ayaa qaar kalena u arkaan in uu yahay ninka dhidibbadda u aasay shariikaddii ugu waxyeellada badnayd, mase uusan muujin wax jixinjixa.

Wuxuu daaha ka qaaday in uu bilyanis u khasirayo in la sameeyo farsamo loo isticmaali doono telefishink-ka iyo moobaaylis-ka oo ka dhigi doonta farsamada hadda la’isticmaalo mid aan sidaa u sii ridnayn. Waxaan suurogalinaynaa in aad masawir ka qaado shaygii aad rabto in aad gadato, islamarkaana laguu sheego qiimihiisa macquulkaa iyo wixii kale ee u dhigma ee baddalkiisaa haddii aad rabto in aad gadato. Waxaan isku dayaynaa in aad TV-ga ka daawato wixii aad rabto, sida adigoo ay kuu suurogalidoonto in aad casharka jaamicadda kala socoto TV-ga. Bill Gates wuxuu sheegay in aan lasoo koobi Karin waxyaalaha ay qorshaynayaan in ay hirgaliyaan.

Waxaa kale oo lays waydiinayaa horumarkaan xagga teknoolajiga ahi sida uu saamayn doono adduunyada saddexaad. In ay noqondoonto fursad ay ku soo qabtaan caalamka hourmaray iyo in ay noqon doonto dariiqo kale oo sii hakin doona.

Waxaa isku soo duway

Nasser Issa B.Com; BA; MSc; FCCA
Issa Associates
Chartered Certified Accountants
219 Belsize Road, London NW6 4AA
Info@issaassociates.com