ABOUT US
Issa Associates waa shirkadda kali ah ee Soomaaliyeed ee haysata laysin in ay ganacsatada ka caawiso xisaabaadka ganacsiga iyo maaliyadda, noocyada kala duwan ee canshuuraha, hantidhawrka, hawlaha laxiriira mamulka iyo maaraynta iyo dhismaha qaabkii loo badbaadin lahaa hantida guud iyo tan gaarka ahba.

Ilaa iyo waqtigii la aasaasay waxay shirkaddu adeeg ballaaran u fidisay ganacsato badan oo aad iyo aad ugu ammaanay shaqaalaha iyo maamulka shirkadda adeegga hufan ee ay u fidiyeen.
Waxaa hadda naloo aqoonsanyahay shirkad ay gacanta ku hayaan dad aamin ah oo aqoon iyo khibrad u leh adeegga ay fidiyaan.

Waxaan si joogta ah dadaal ugu jirnaa in aan sii xoojinno adeeggeena si aan sare ugu qaadno magaca shirkadda una ahaanno shirkadda ugu wanaagsan ee xisaabaadka ganacsiga iyo maaliyadda iyo adeegyada kale ee ay u baahan yihiin shariikadaha ganacsiga iyo hay’adaha khayriga ahba.

Shirkadda waxaa agaasinkeeda masuul ka ah Abdinasir Maxamuud Ciise oo Chartered Certified Accountant ah waxna ku bartay dalka Ingiriiska iyo India. Abdinasir wuxuu la soo shaqeeyay shariikado daggan dalka Ingiriiska oo uu ka gaaray heer uu madax ka noqdo qaybta maaliyadda (Finance Manager).